Ciidamada Ammaanka Dhuusamareeb oo gacanta ku dhigey waxyaabaha qarxa

0
565

Ciidamada Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaaladaas ayaa waxaa ay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa.

Taliska Booliska dhuusamareeb ayaa sheegay in waxyaabahaan qarxa lagu diyaariyey mid kamid ah guryaha ku yaalla Magaalada dhuusamareeb,isla markaana Ciidamada ay ka warheleen.

Taliyaha Booliiska Dhusamareeb ahna Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gaashaanle C/llaahi Xassan Macallin ayaa waxa uu sheegay in Howlgal Ciidamadu sameeyeen lagu soo qabtay Qaraxaan la doonayey in Dadka lagu dhibaateeyo kaas oo laga soo helay meel ka mid ah Xaafada Dayax ee Magaalada Dhusamareeb.

Taliyaha ma sheegin inay jiraan dad howlgalkaas lagu soo qabtay,hayeeshee uu sheegay in weli Ciidamada ay howlgallo kale ka wadaan Xaafadaha Magaalada dhuusamareeb oo la filayo in dhawaan lagu qabto doorashada hoggaanka Sare ee Galmudug.