Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay gaareen deegaanka Mareero ee degmada Jawiil,halkaas oo maalma ka hor uu laba maleeshiyo Beeleed ku dhex-marey dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Ciidamada oo ka tirsan qeybta 27aad ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha guutada shanaad, qeybta 27aad ee xoogga dalka Korneyl Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin),waxaana la sheegay inay ku guuleysteen inay kala qaadaan Maleeshiyaadkii dagaalamay.
Saraakiisha ka tirsan Ciidamada Millateriga ayaa waxaa ay kulan la qaateen Odayaasha labada Beelood oo qaarkood ka tegay Magaalada Baladweyne,isla markaana Ciidamo ay geeyeen Goobihii lagu dagaalamay ee deegaanka Mareero ee duleedka degmada Jawiil.
Inta la xaqiijiyey dagaalkii maalma ka hor deegaanka Mareero ku dhex-marey labada maleeshiyo Beeleed oo dhulka isku heysta ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 5 Ruux halka dadka qaarkood ay deegaanka ka barakaceen.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Jawiil weli kama hadlin dagaalkaas,hayeeshee qaar kamid ah Odayaasha & Waxgaradka degmada Jawiil ay wadeen waan waan lagu xalinaayey dagaalkaas oo ugu dambeyn lagu guuleystay.