Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa faah-faahino dheeraad ah ka bixiyey heshiiska 20-ka xildhibaan ah ee dowladdu la gashay maanta Ururka Ahlu-Sunna.
Wasiir Sabriye ayaa Caddeeyay in Ahlu-Sunna ay soo xuli doonto 20 xildhibaan, halka 69-ka kale ay soo xuli doonaan odayaasha beelaha.
Waxaa sidoo kale Ahlu-Sunna ay ku heshiiyeen in si miisaaman oo qaab beeleed ku dhisan loo qeybiyo 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna laga siinayo baarlamaanka Galmudug.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ilaalin doonto heshiiskii beelaha ee lagu dhisay Maamulka Galmudug 2015-kii,islamarkaana aysan jirin Cid la siin doono wax dheeraad ah.
Sabriye ayaa sidoo kale xusay in si deg deg ah loo bilaabi doono soo xulista Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug,islamarkaana Caqabadda hor taagneyd ay aheyd Khilaafka Ahlusunna iyo Galmudug.