Dadweynaha Magaalada Beledweyne qaarkood oo guryahooda ka barakacay, kaddib markii uu mar kale fatahaad sameeyay webiga Shabeelle Qaar ka mid ah dadka magaalada Baladweyne ayaa mar kale ka barakacay guryahooda kaddib markii uu dhawaan karkaaraha jabsaday webiga Shabeelle. Fatahaadda webiga ayaa waxaa dadka ugu sii darsantay roob mahiigaan ah oo saacad iyo bar magaalada ka da’ay Axaddii, kaas oo xaaladda uga sii daray. Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Beledweyne ayaa dowladda dhexe ee Soomaliya ka codsaday in wax laga qabto Fatahaada Wabiga Shabeelle.

0
474

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay u yeereen wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, iyaga oo dalbaday in uu horyimaado 15 Bishaan.

Qoraal uu ku saxiixan yahay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdi kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa lagu sheegay in Wasiir Maareeye loogu yeeray dalab ka yimid 11 Xildhibaan,si wax looga weeydiiyo arrimo la xiriira sharciyada Warbaahinta Qaranka.

Xildhibaannada gudbiyey mooshinka u yeeritaanka Wasiirka ayaa waxaa ay sheegeen in Warbaahinta Qaranka aan si siman looga baahin khudbadaha Xildhibaannada xilliyada ay socdaan doodaha Baarlamaanka,balse kaliya laga daayo Xildhibaannada taagersan Xukuumadda.

Axadii la soodhaafay ee Todobaadkaan ayaa waxaa Golaha Shacabka hortegay Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka dowlada federalka,kuwaas oo wax laga weeydiiyey Arrimo quseeyo Shaqadooda.