Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar Wasiirka Duuliska Hawadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Su’aallo ka weydiiyeen Xayiraaddii dhawaan la saaray Duulimaadyadda degaanada maamulka Jubbaland.
Wasiirka ayaa sheegay in uusan jirin wax xayiraad ah oo la saaray garoomadda maamulka Jubbaland, laakiin jiraan Amaro kasoo baxay Wasaarada iyo Hay’adda duulista Hawada.
Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin Cid waxyeelo ku noqotay intii Diyaaradaha Kismaayo uu ku dhaqangaliyay Amarka dowladda,maadaama uu ka dhashay Khilaaf doorashadii maamulka Jubbaland.
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wasiir Oomaar weydiiyay sababta Keentay Xayiraada Kismaayo, waxaana uu dhowr jeer uu ka meer meeray in dowladda ay Xayiraad dhanka duulimaadyadda ah ay saartay Kismaayo.
”Wax dhibaato ah malahan in diyaaradaha Kismaayo ay soo maraan Muqdisho”ayuu yiri Wasiir Oomaar.