Shir looga hadlayo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Cabdi Kooshin oo furay shirka ayaa sheegay in shirkaan lagu xoojin doono wadashaqeynta Wasaaradda amniga iyo dowlad goboleedyada,isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in shirkaan ay kasoo baxaan qodobo waxtar u leh Ummadda Soomaaliyeed.
Shirkaan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa waxaa ka qeyb gelaya Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha amniga maamul goboleedyada,Gobolka Banaadir,Boliiska Amisom iyo Mas’uuliyiin ka socta beesha caalamka.