Muwaadin Soomaaliyeed oo Cabasho ka ah Caddaalad daro lagu sameeyay

0
561

Maxamuud Maalin Cabdulle oo ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhul uu leeyahay oo ku yaalla Xaafadda Waxara Cadde si xoog ah looga qaatay.

Maxamuud Maalin Cabdulle ayaa sheegay in uu dacwad ka gudbiyay dadkii qaatay dhulkiisa oo la sharciyey xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre,islamarkaana markii uu dacwooday lagu xiray Saldhigga degmada Kaaraan oo uu si caddaalad daro ah ugu xirnaa Muddo bil lix cisho ah.

Maxamuud Maalin ayaa xusay in qoditaan lagu bilaabay dhulkaasi,islamarkaana maamulka gobolka Banaadir uu qashinka ku shubo dhulkiisa ka dib markii uu amray Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish.

Dhulkiisa ayuu sheegay in Maxkamada gobolka Banaadir ay amartay in qoditaanka laga joojiyo,laakiin Shaqaddaasi ay waddaan Shaqsiyaad sheegtay in ay ka awood badan Maxkamadda.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu ugu baaqay wax ka qabashadda dhibaatadda loo geystay iyo in Hantidiisa loo soo celiyo, waxna laga qabto dhibaatadda ay geysanayaan maamulka degmada Kaaraan.