Shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa todobaadkan looga hadlay xaaladda Roobabkii ka da’ay gobolka Gardafuu iyo sidii muddo saddex cisho gudaheed ah loo gaarsiin lahaa caawimaad deg deg ah shacabka deegaanadaasi.
Sidoo kale Shirka Golaha waxaa looga hadlay Guddiyada Golaha Xukuumadda oo isu diyaarinaya in ay Baarlamaanka uga warbixiyaan waxqabadka Xukuumadda 9-kii bilood ee lasoo dhaafay, Digniinta Xukuumadda ee Roobab Dabaylo wata oo la saadaaliyey in ay kusoo waajahanyihiin xeebaha Puntland iyo Horumarinta Garoomada Diyaaradaha Puntland.
War kasoo baxay Maanta Agaasimaha hay’adda maaraynta masiibooyinka Puntland, Cabdulaahi Axmed Ceyrow ayaa waxaa lagu sheegay in uu isedel ku yimid duufanti laga casbi qabay inay ku dhifato deegaanno ka tirsan Maamulkaas,isla markaana ay ku wareegtao Goobo kale.