Dhoobo daareed oo Kulamo ka dhan ah Puntland ka bilaabay Addis Ababa

0
522

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoob), ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia.

Mudane Dhoobo, oo Baarlamanka Puntland xilka ka xayuubiyeen 7-dii bishiii la soo dhaafay ee November, ayaa xilligaasi wixii ka dambeeyay u ambabaxay degaanno ka tirsan gobollada Sanaag iyo Haylaan, isaga oo kulamo kala duwan la soo yeeshay bulshada ku dhaqan degmooyin ka tirsan gobolladaaasi Haylaan iyo Sanaag ee Puntland.

Xildhibaanka oo Arbacadii shalay dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe , ayaa xalay ku hoyday magaalada, balse maanta ayuu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir, isaga oo u safray magaalada Addis Ababa, halkaasi oo sida la sheegayo uu kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo safiirka Soomaaliya u fahdiya Ethiopia Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Cameey).

Dhoobo daareed ayaa wadda dadaallo ka dhan ka ah maamulka Puntland , waxaana uu sheegay in uu dhisi doono maamul ka Madax banaan maamulka Puntland.