Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Galmudug oo eedeeyay Wasiirka Arrimaha gudaha

0
540

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Galmudug oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa eedeeyn u jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Cabdi Maxamed Sabriye ayay ku eedeeyeen in uu xareeyay Odayaal aan ka mid aheyn Saxiixayeyaasha Galmudug si ay u soo xulaan Xildhibaanada Galmudug.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in aysan ka mid noqon doonin maamulka Galmudug hadii Wasiirka Arrimaha Gudaha uusan Odayaasha dhaqanka ka joojin faragalinta uu ku haayo qaar ka mid ah beelaha Galmudug.

Waxaa ay sidoo kale xuseen in dowladda Soomaaliya ay dooneyso shaqsiyaadka ay xareysan in ay soo xulaan xildhibaano taageersan.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayay ku baaqeen in uu wax ka qabto dhibaatada ka taagan Dhuusamareeb ee uu waddo Wasiirka Arrimaha Gudaha ka hor in aysan dib ugu laaban degaanadii ay ka yimaadeen.