Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilalkii ka qaaday Wasiirka Amniga C/qaadir Aadan Jeelle iyo Wasiirka warfaafinta dowlada goboleedka Hirshabelle Cabdiweli Muxumad Cabdi.
Wasiirka Amniga ayaa loo magacaabay Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre halka Wasiirka warfaafinta Hirshabelle loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed.
Waare ayaa sidoo kale Magacaabay Wasiiru Dowlaha Hubka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka Abuukar Macalin Rashiid halka Wasiiru dowlaha Qorsheynta Xiriirka caalamiga ah loo magacaabay Cabdirizaq Aadan Geeddi.