Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Galmudug

0
588

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ka socda diyaar garoowga loogu jiro howlaha doorashooyinka Galmudug oo ay ugu horeeyaan xulista xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo aan weli la bilaabin.

Gudiga Farsamada Maamul u samaynta Galmudug ayaa shalay oo Isniin aheyd waxaa ay xareeyeen Odayaashii ugu badnaa ee saxiixayaasha Galmudug si ay u bilaabaan Xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug,hayeeshee waxaa jira Beelaha qaar oo ku mursan san Saxiixaha ku matalaya Odayaasha soo dooranaya Baarlamaanka labaad ee Gamudug

Gudiga Farsamada Maamul u samaynta Galmudug ayaa ku wargaliyay Beelaha wali ku muransan Saxiixaha inay isa soo xaliyaan, waxaana la xaqiijiyay in waqti loo qabtay inay ku soo afjaraan muranka dhexdooda uu dhamaaday.

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in ay socdaan kulamo kala duwan oo la doonayo in beelaha ku muransan Saxiixaha ku matalaya Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka lagu xaliyo si loo guda galo xulista baarlamaanka Cusub.

Dhinaca kale Odayaasha shalay la xareeyey ee saxiixayaasha Galmudug ayaa waxaa ay wadaan qorsho ay ku doonayaan inay Ahlusunna kala hadlaan khilaafka kala dhaxeeya dowladda ee ku aadan dhismaha Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.