Xalay saqdii dhexe ayaa rag hubeysan oo la sheegay inay ka amar qaataan Korneyl Caare oo siweyn uga soo horjeeda Soomaaliland waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Booliska Soomaaliland ee Magalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus. Dagalkaas ayaa la sheegay in uu socday in ka badan halsaac,isla markaana uu dhexmaray Ciidamada Booliska ee ku sugan.Saldhiga iyo kooxihii soo weeraray,waxaana weerarkaas ka hadlay Soomaaliland. Taliyaha Qeybta Booliska Soomaaliland ee Gobolka Togdheer Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Maxamed Faarax ayaa sheegay inay iska difaaceen raggii soo weeraray,isla markaana wax khasaaro ah ka dhalan dagaalkii ka dhacay Magaalada Ceerigaabo. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay baaritaan ku sameynayaan dadkii ka dambeeyey weerarkaas oo la sheegay inay ahaayeen Ciidamada Korneyl Caare oo mar kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland balse uu kasoo horjeestay Xukuumadda Madaxweyne Biixi. Korneyl Siciid Cawil Jaamac Caare ayaa waxaa Ciidamo farabadan uu ku heestaa duleedka Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag,iyaga oo weeraro ku qaado Saldhigyada Ciidamada Soomaaliland ee Gobolkaasi Sanaag.

0
488

Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay gaareen dalka Jabuuti halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga ayaa waxaa Jabuuti kusoo dhaweeyey Saraakiisha ugu sareeysa Ciidamada Booliska dalkaas,iyaga oo kulamo ka bilaabay halkaas.

U jeedada Wafdiga Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyees Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa lagu sheegay in uu halkaasi tababar ugu soo xiri doono ciidan boolis ah oo tababar ku qaatay dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda dalkaas,isaga oo kala hadli doona Arrimo la xiriira tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliya.