War murtiyeed mowqifka Xisbiga Wadajir ee ku aadan faragelinta ciidanka Itoobiya ku hayaan Jubbaland iyo Galmudug, gaar ahaan Gobollada Gedo iyo Galgaduud.
Xisbiga Wadajir waxaa uu cambaareeyay falalka Ciidanka Itoobiya ay ka waddaan gobolka Gedo iyo Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo xoojiyo.
Madasha Qaran ee Xisbiga ayaa sidoo kaleĀ shalay soo saartay waraaq ku qoran afka-ingiriisida oo looga dalbanayo Raysal Wasaaraha Ethiopia, Dr Abiy Ahmed, in uu joojiyo faro-gelinta ciidamadiisu ku hayaan dalkeena Si looga fogaado dhibaatooyinkii ka dhacday Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland mid lamid ah in ay ka dhacdo Galmudug.
Qaar ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed ayaa xoojiyay walaaca ay ka qabaan Ciidanka Itoobiya ka dib doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo dhamaadkii sanadkii hore, islamarkaana lagu soo qabtay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.