Aqalka Sare oo ansixiyey Sharciga Shirkadaha

0
517

Maanta oo taariikhdu tahay 30.11.2019 waxa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Sharciga Shirkada,Sharcigan ayaa waxa hore usoo ansixiyey Golaha Shacabka JFS bishii July ee sannadkan.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo Hawl-wadeennada iyo sharciyaqaannada Wasaaradda ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Guddoonka Aqalka Sare, Guddiga Maaliyadda iyo Ganacsiga iyo Guud ahaan Senatorska Aqalka Sare oo si hawlkarnimo leh Sharcigan uga doodey kaddibna maanta ansixiyey.

Waxaanu ku bogaadiyey sida ay masuuliyadda dheeraadka ah isaga saareen inay ansixiyaan isla markaana garawsadaan muhiimadda uu leeyahay sharcigani.

Wasiirka ayaa sidoo kale shacbi weynaha Soomaaliyeed ugu bishaareeyey muhiimadda iyo faa’iidooyinka uu sharcigani leeyahay, kaasoo nuxurkiisu noqonayo:

1. Diiwaangelinta iyo Maamulka Shiradaha

2. Fududeynta Ganacsiga iyo Iskaashiga Dhaqaalaha