-Wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho oo burburay

0
877

Waxaa ku burburay Roobkii ka da’ayay Magaalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Magaalada muqdisho,kuwaas oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Wadooyinka ugu muhiimsan ee Roobka ku burburay ayaa waxaa kamid ah,Wadada Shaqaalaha, Tan KPP, Wadada isku xirta Isgoysyada Siinaay ilaa Boondheere, Wadada ka tagta Isgoyska Fagax ee aada dhinaca Suuqa Xoolaha iyo Wadada Shineema Afrika ee dhex-marta degmada Xamarweyne.

Wadooyinka uu roobka burburiyey ayaa waxaa ku jira kuwo uu horay u dhisay Maamulka Gobolka Banaadir balse Roobkii ugu dambeeyey ee ka da’ay Magaalada Muqdisho uu burburiyey,waxaaana mari Karin dadka iyo Gaadiidka intaba.

Qaar kamid ah Shacabka ku nool Magaalada muqdisho oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxaa ay sheegeen inay dhibaatooyin kala duwan ku qabaan burburka gaaray wadooyinka,isla markaana ay waqti dheer ku qaadato inay tagaan halka ay doonayaan.

Maamulka Gobolka Banaadir  ayaa dhowr mar waxaa uu ku cel celiyey inay dib u dhisayaan wadooyinka burbursan ee ku yaalla Magaalada muqdisho ee u baahan in la dhiso.