Mahdi Maxmuud oo ah Nin Soomaali ah, oo isku dayay inuu dilo saddex ruux, oo uu ku jiray askari ka tirsan booliska Britain ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah.
Booliska Uk ayaa sheegay in uu weerarkaasi uu toorri u adeegsaday, islamarkaana uu ka dhacay goob tareennada laga raaco oo ku taalla magaalada Manchester.
Mahdi Maxmuud oo 26 jir ah, ayaa toorri la dhacay lammaane wada socday, ka dibna wuxuu weeraray askari lagu magacaabo Lee Valentine, oo ka howlgalayay Manchester Victoria, dabayaaqadii sannadkii lasoo dhaafay.
Garsoore Stuart-Smith, oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sida ay wax u dhaceen u sheegay Mahdi, oo daggan xaafadda Cheetham Hill ee magaalada Manchester, wuxuuna ku yiri ; “Waxaad adigoo si daggan ugu dhex socda goobta tareennada laga raaco aragtay lammaanaha, Kadib waad daba raacday, waxaad lasoo baxday mid kamid ah toorriyahaaga waadna ku weerartay. Waxaad weerartay adigoo damacsan inaad disho”, ayuu yiri garsooraha.
Waxaa horay loogu sheegay in 11 sano oo xabsi ah lagu xukumi doono ka dib markii uu qirtay saddex nooc oo dambi ah, oo dhammaantood la xiriira isku day dil iyo fal argagixisanimo ah.