Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdullaahi Cali Xassan ayaa maanta waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley U qeybsanaha Hay’adda UNIDO (United Nations Industrial Development) ee dalka Soomaaliya Mr Ygor Scarcia.
Kulan ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Wasaaradda iyo Hay’adda UNIDO iyo sidii looga midho dhalin lahaa xidhiidhkan soo jireenka ah.
Hay’adda UNIDO oo ah hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Warshadaha ayaa Soomaaliya ka bilaabaysa mashaariic lagu horumarinayo Warshadaha dalka Soomaaliya, waxaanay barnaamijkan iska kaashanayaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa kusoo dhammaaday waji is afgarad iyo in wada shaqeynta lasii xoojiyo.