Dad Ajaanib Ah Oo Saakay Lagu Xiray Magaalada Hargeysa

0
536

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay xabsi ku yaalla lagu xiray Sagaal Nin oo Ajaanib ah, kuwaasi oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa Garoonka diyaaradah Hargeysa ku qabtay raggan oo doonayay inay ka dhoofaan Garoonka, iyagoo kusii jeeday Imaraadka, waxaana lagu xiray Xabsi ku yaalla Hargeysa.

Raggan ajaanibta ah ee u dhashay Imaaraadka ayaa waxaa lagu eedeeyay in si sharcidarro ay u ugaarsanayeen duur-joogta ku nool deegaanada Somaliland.

Dadka deegaanka Degmada Sabo-wanaag ee ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa sheegay in raggan markii horey ay u sheegeen inay u fulinayaan mashaariic, hayeeshee markii dambe la ogaaday inay ugaarsi sharci darro ah.