Xildhibaan sheegay in Madaxweyne Farmaajo heshiis uga baxay

0
559

Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in Afar Maalin kadib uu Madaxweyne Farmaajo ka baxay heshiiskii ay la galeen.

Waxaa uu sheegay in kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madasha Xisbiyada ku yeesheen Villa Somalia ay balantu aheyd in aan la siyaasadeyn Ciidamada,hayeeshee taasi laga baxay,isla markaana Ciidamada dowladda loo adeegsaday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Isaga oo sii hadlayay Xildhibaan Cabdi fitaax Ismaaciil Daahir ayuu sheegay in Kulanka Baarlamaanka ee Berito oo ay hor imaanayaan Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska lagu soo daro Taliyaha Nabadsugida Somalia Fahad Yaasiin,isla markaana Baarlamaanka hortiisa su’aalo ku weeydiinayaan.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in marnaba aan aysan yeeleyn in la galo marmarsiiyo,isla markaana lagu amro in saxaafadda banaanka kulanka looga saaro.

Hadalka Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir ayaa daba socday,kadib markii Xildhibaan Daleys Xasan Aadan kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ay Maanta kulankii Baarlamaanka ka sheegtay in Garoonka Aadan-Cadde inay ka dhoofto ay u diideen Ciidamo katirsan Nabadsugida Soomaaliya,xilli ay ku wajahneyd degmada luuqa ee Gobolka Gedo.