Wararka ka imaanaya deegaanka Gumbax ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in roobab maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay deegaankaas ay gooyeen Wadooyin muhiim ah oo ku yaalla deegaankaas.
Guddoomiyaha degmada Gumbax ee gobolka Guardafui, Cismaan Maxamed Balli oo la hadlayay mid kamid ah Warbaahinta ka howlgasha Puntland ayaa sheegay in muddo ka badan laba todobaad ah aysan jrin wax Gaadiid ah oo uga yimid dhinaca Magaalada Boosaaso,kadib markii uu roobka jaray wadooyinka.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in sidoo kale deegaanka Gumbax uu go’doon ka yahay dhinaca Badda,kadib markii maraakiib iyo doomo kalluumeysi ay kalluumaysatadii deegaanka u diideen in ay foodda geliyaan gudaha Badda,taasina ay tahay dhibaato kale oo horleh.
Si kastaba Roobka Guga oo ka curtay deegaano badan oo katirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,waxaana uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee deegaannada uu ka da’ay roobka.