Hoggaanka Ahlusunna oo Caawa kulan uga socdo Dhuusamareeb

0
529

Wararka laga helayo Caawa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Xarunta Inji uu kulan deg deg ah uga socdo hoggaanka ugu sareeya Ahlusunna Wal-Jamaaca ee ku biiray Maamulka Galmudug.

Kulanka ayaa Wararka waxaa ay sheegayaan in looga hadlayo Arrimo la xiriira soo xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug iyo jadwalka doorashada Galmudug oo ay Maanta soo saareen Guddiga farsamada & Maamul dhisida Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa ku sugan Xubnaha kala ah Macalin Maxamuud, Cabdirisaaq Al-Ashcari iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan,waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay qeyb ka yihiin Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug ee uu horay u Magacaabey Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in hoggaanka Ahlusunna laga yaabo inay go’aano kasoo saaraan jadwalka doorashada ee Maanta la soo saarey iyo heshiiskii ay la galeen Dowladda Federaalka.