Golaha Wakiilada Soomaaliland oo muddo kordhin loo sameeyey

0
542

Kadib kulan ay Maanta Magaalada Hargeysa ku yeesheen Golaha Guurtida Soomaaliland ayaa waxaa mudo kordhin markii 6aad loogu sameeyey Golaha Wakiiladda Soomaaliland.

Kulanka oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan Maxamed Aadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 71 Mudane,iyada oo mudo laba sano ah waqtiga loogu kordhiyey Golaha Wakiiladda Soomaaliland.

Dood dheer kadib ayaa 70 mudane oo kulanka ku sugnaa waxaa ay u codeeyeen in muddo kordhintan loo sameeyo Golaha Wakiillada.

Mudanayaasha Golaha Wakiillada Soomaaliland ayaa xilka haaya hadda muddo 15-sano ah,waxaana jiro dhaliilo badan oo ay wajahayeen maalmihii la soo dhaafay.