Dowladda oo Shaacisay in ay baaqatay Muxaaraddii Sheekh Maxamed Umal

0
496

Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ku dhawaaqday in ay guud ahaan baaqatay Muxaadaro maalinta berri ah lagu waday in uu Muqdisho ku qabto Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Wasiirka  ma cadeyn sababta laakiin waxa ay shaacisay in aysan jiri doonin Muxaadaro lagu qabanaayo Garoonka Koonis Berri.
Waxa ay sheegtay in sababta baajinta iyo  wixii intaasi ka dambeeya uu faahfaahin doono Wasiirka Diinta Xukuumadda Soomaaliya.

Saacaddihii lasoo dhaafay Culimadda Suufiyada ayaa ku dhawaaqay Banaanbax weyn oo looga soo horjeedo Sheekh Umal, waxaana Khadiijo ay ka mid aheyd Guddigii loo xil saaray qaban qaabadda Muxaaradda.