Dhageyso:-Booliska oo bilaabay baarista dilkii Elmaas Alman

0
497

Shalay waxaa Gudaha Xerada Xalane oo ay AMISOM gacanta ku heyso lagu dhex-dilay Elmaas Elman oo mar soo noqotay Xoghayaha koowaad ee Safaarada Somalia ee Kenya,haatana ka tirsaneyd Xafiiska xiriirka & Isgaarsiinta ee Midowga Yurub.

Dilka oo ilaa iyo hadda si rasmi ah aan loo faah faahin ayaa ka dambeeyay,kadib markii sida la sheegay rasaas lagu furay Gaari ay saarneed,kadib dhaawac soo gaaray ay u geeriyootay,waxaana dilkaas War kasoo saaray booliska Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya gaar ahaan laanta Dambi baarista ee CID-da laga  furay Gal-dacwadeed ku saabsan dilkaas,isla markaana ay bilaabeen baaritaanka sida dilka uu u dhacay iyo dadkii ka dambeeyey.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in baaritaanka ay ka qeyb qaadanayaan Saraakiil Sar sare oo khibrad u leh dhacdooyinka noocaan oo kale ah.

Marka laga soo tago hadalka taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed horay ayaa Magaalada muqdisho waxaa loogu dilay dad xilal muhiim ah ka haayay Dowladda oo uu kamid ahaa Guddooomiyihii Gobolka Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,hayeeshee aysan jirin dad loo maxkamadeeyey.