Xildhibaan Sakariye “Wasaaradda Maaliyada waxaa ay joojisay in fursado shaqo lasiiyo dad Soomaaliyeed”

0
488

Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda in aysan ogoleyn in Muwaadiniinta Soomaaliyeed Shaqooyin loo abuuro.

Waxaa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda Saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay iska diiday in Shaqaallaha sidda lacag la’aanta ah ugu shaqeeya Wasaaraddaha laga dhigo Shaqaallo rasmi ah iskaba daa in la qoro kuwo cusub.
Wasaaradda ayuu xusay in ay  sidoo kale hoos u dhigtay qorshihii la doonaayay in lagu xoojiyo in la helo lacag cusub oo dalku leeyahay.

Sakariye ayaa tilmaamay in dalka hadii uusan helin lacag shaqeysa in uusan Madax banaaneyn.

“Wasaaradda Maaliyada waxaa ay joojisay in fursado shaqo lasiiyo dad Soomaaliyeed” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye.