Koox hubeysan oo weerartay ciidammada Burundi

0
637
Ambassador Francisco Madeira, the Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, inspects Armoured Personnel Carrier (APC) belonged to Burundi contingent serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) displayed in Mogadishu, on 5 November 2019. AMISOM Photo / Omar Abdisalan

Militariga Burundi waxay sheegeen in koox hubeysan oo kasoo gudubtay dhinaca Rwanda ay weerar ku qaadeen saldhig ciidammada ay ku leeyihiin waqooy galbeed dalkaas.

Janaraal Emmanuel Gahongano oo ah agaasimaha warfaafinta ee militariga ayaa sheegay in Axaddii uu weerarka ka dhacay gobolka Cibitoke ee Burundi.

Ciidammada Burundi wax faahfaahin ah kama aysan bixin weerarka balse dad ku sugan deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in xiisad militari ay ka taagan tahay gobolka kaddib weerarka.

Labo toddobaad ka hor ayay aheyd markii koox hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig militariga Rwanda ay ku leeyihiin xadka, mas’uuliyiinta Rwanda waxay sheegeen in kooxihii weerarka soo qaaday ay kasoo tallaabeen dhinaca Burundi