Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgal ka sameeyay Xaafado ka tirsan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, kadib markii xalay halkaas lagu dilay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.
Howlgalkan ayaa intii uu socday ayaa waxaa lagu soo qabqabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Gol. Xaashi Aaden Cilmi.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Puntland ayaa sheegay in dadkii lagu qabtay howlgalka laga sameeyay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo lagu sameeyn doono baaritaano kala duwan, isla markaana haatan ay la xiray yihiin.
Xaafad ka tirsan Gaalkacyo ayaa waxaa xalay lagu dilay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Gol. Xaashi Aaden Cilmi, kaasi oo ay toogteen rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado, kuwaasi oo falka kadib baxsaday.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkii lagu dilay Gol. Xaashi Aaden Cilmi, kadib markii war qoraal ah ay kusoo qoreen barahooda Internet-ka.
Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland ayaa waxaa dhowr oo horey lagu dilay Saraakiil ka tirsan Puntland, waxaana inta badan dilalkaas sheegtay Al-shabaab.