Golaha Wasiirada Puntland ayaa xalay oo Isniin ah waxaa ay meelmariyeen odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka.
Odoroska Miisaaniyadda 2020-ka oo dhan $ 346,416,158.99 malyan oo Dollar, ayaa waxaa Golaha u gudbisay wasaaaradda Maaliyadda dowladda Puntland.
Kulanka Gollaha Wasiirada waxaa shir gudoomiyay madaxweyne, Saciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan iyo xubnaha Wasiirada.
Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi ka bixiyay Miisaaniyadda 2020-ka, ayaa sheegay lagu saleeyey baahiyaha as’aasiga ah iyo sida ay u kala mudan yihiin iyadoo lagu xisaabtamaayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaad la heli karo.