Sawirro:-Madaxweynaha Hirshabeelle Oo La Kulmay Wufuud Gaartay Baladweyne

0
588

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo uu wehliyo Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa xalay Munaasabad Casho Sharaf  ugu sameeyay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan wafuud kala duwan oo ka kala socday Puntland, Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo Wafdi ka Socday Bulshada iyo Ganacsatada Magaalada Nairobi oo uu hormuud u ahaa Sheekh Maxamed Cabadi Umal.

Munaasabadaan Casho Sharafta ahayd Waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Marwo Canab Axmed Ciise Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaan, Xubnaha labada Gole ee Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan Ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa u Mahad Celiyay Dhamaan Dadka Somaliyeed oo si aan kala har lahayn ugu soo gurmaday Dadka Reer Beledweyne oo ay saameeyeen Fatahaadii Wabiga Shabeelle.

Wafdi uu hogaaminayay Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa shalay Magaalada Baladweyne gaarsiiyay gurmad loogu talagalay in lagu Caawiyo dadkii halkaas uu ku saameeyay fatahaada Wabiga.