Puntland oo xirtay Siyaasi sheegtay in uu yahay Guddoomiye

0
500

Wararka laga helayo Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayan in Ciidamada Ammaanka Magaaladaas ay Xabsiga dhigeen Siyaasi sheegtay in uu yahay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Maamulka Maakhir.

Siyaasiga la xiray oo lagu Magacaabo Khadar Xaaji Xarigle ayaa shalay,isaga oo Warbaahinta la hadlayay waxaa uu sheegay in uu isagu yahay Gudooomiyaha Gobolka Sanaag,isla markaana wax maamul ah aysan ka jirin Gobolkaas.
Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay inay Maamul rasmi ah u sameyso Gobolka Sanaag, iyada oo ay xusid mudan tahay in Magaalada Badhan ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan maamulka Puntland.

Ciidamada ayaa siyaasiga Khadar Xaaji Xarigle waxaa la sheegayaa in ay ku xireen Saldhiga dhexe ee Magaalada Badhan,hayeeshee Odayaasha & waxgaradka deegaanka ay wadaan dadaalo ku aadan sidii lagu siideyn lahaa.