Guddiga Maareynta Deeqaha Lacagta Ee Fatahaada Baladweyne Oo La Magacaabay

0
707

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magacaabay Guddiga Maareynta Deeqaha Lacagta ee Fatahaada Magaalada Beledweyne iyo deegaanada Hirshabeelle.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne  Waare ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 15-xubnood, waxaana ay isugu jiraan Ganacsatada Baladweyne iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga gurmadka maamulka Hirshabeelle.

Ugu dambeybtii Guddiga ayaa Alle looga baryay inuu u fududeyo shaqada loo idmaday ee la xiriirta Maareynta Deeqaha Lacagta ee Fatahaada.

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad xoogan ku sameeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyo deegaano kale oo ka tirsan Hirshabeelle, waxaana socdo Gurmad xoogan oo loo soo sameynayo dadkii uu saameeyay Fatahaada Wabiga.

Hoos ka Akhriso Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Waare.