Rudy Giuliani oo baaritaan lagu billaabay

0
504

Dacwad oogayaasha federaalka Mareykanka ayaa furay baaritaan lagu sameynayo Rudy Giuliani, oo ah qareen shakhsiga ee madaxweyne Donald Trump, waxaa sidaas werisay warbaahinta Bloomberg.

Dacwad oogayaasha ayaa baaraya suurta-galnimada ah in Giuliani uu sameeyey xadgudubyo maaliyadeed iyo inuu ku guul-darreystay inuu isku diiwaan geliyo inuu yahay wakiil shisheeye.

Giuliani oo ah duqii hore ee magaalada New York ayaa ah shakhsi muhiim u ah baaritaanka xil ka-xayuubinta ee lagu samaynayo madaxweyne Donald Trump.

Sharci-dejiyayaasha Mareykanka ayaa baaraya in Giuliani uu kaalin ku lahaa ku cadaadinta madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky inuu baaro kuwa kasoo horjeeda Trump.

Mimi Rocah, oo horey u ahayd dacwad oogaha federalak Mareykanka ee degmada Koonfureed ee New York, ayaa Bloomberg u sheegaty inay la yaabi doonin in Giuliani si rasmi ah dacwad loogu soo oogo.