Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo gaaray Ceelwaaq

0
520

Wafdi uu hoggaaminayo  Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland  Maxamuud Sayid Aadan iyo  xubno kamid ah Golaha Wasiiradda maamulkaas, iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey.

Garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey  maamulka degmadda iyo taliska ciidanka Jubbaland ee ka howlgalla aagga Ceelwaaq.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland uu halkaas kulamo kula qaato maamulka iyo bulshada degmada Ceelwaaq iyo deegaanada hoostaga.