Al-Shabaab oo weeraray Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Puntland

0
516

Faah faahino dheerad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar Xubno katirsan ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari.

Dagaal u dhaxeeyey Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaabkii weeraray ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Af-Urur,waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas dhex-maray Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ay ku geeriyoodeen laba kamid ah Ciidamada Puntland Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil katirsan Ciidamada Puntland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab oo ay horay u sii ogaayeen,isla markaana ay ka dileen Shan Xubnood.

Deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari ayaa Al-Shabaab dhowr jeer weerareen, iyaga oo la wareegay,waxaana wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland.