Taliska ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa sheegey in dhawaan bilaabi doonaan howgallo layskugu furayo dhamaan deegaannada Dowlad Gobaleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya kuwaas oo meelaha qaar ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab. Taliyaha cusub ee qeybta 60-aad Janeraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo xilkaan shalay la wareegay ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabayaan howlgalkooda. Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in qorshaha ama howlgallada wada furista ah ay la kaashanayaan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madaxdiisa kala duwan. Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee deegaannada Maamulkaas ka howlgalla ayaa waxaa ay horay ugu dhawaaqeen howlgallada go’doonka looga qaadayo deegaannada ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

0
558

Taliska ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa sheegey in dhawaan bilaabi doonaan howgallo layskugu furayo dhamaan deegaannada Dowlad Gobaleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya kuwaas oo meelaha qaar  ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha cusub ee qeybta 60-aad Janeraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo xilkaan shalay la wareegay ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabayaan howlgalkooda.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in qorshaha ama howlgallada wada furista ah ay la kaashanayaan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madaxdiisa kala duwan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee deegaannada Maamulkaas ka howlgalla ayaa waxaa ay horay ugu dhawaaqeen howlgallada go’doonka looga qaadayo deegaannada ay go’doomiyeen Al-Shabaab.