Madaxweynaha K/Galbeed oo la kulmay Maamulka G/Bakool

0
506

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo ku sugan degmada Waajid ayaa waxaa halkaasi uu kulan kula qaatay Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada Waajid.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii Maamulka gobolka u dardar gelin lahaayeen howlaha Shaqo oo ay u hayaan Bulshada Gobolka Bakool oo ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada Waajid ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa ay uga mahad celiyeen dadaalka uu ku bixiyey mashaariicdii uu ka dhagax-dhigay Waajid iyo deegaannada kale ee Gobolka Bakool.

Ugu dambeyn Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa u sheegay mas’uuliyiinta kala duwan in Maamulka Koonfur Galbeed uu wax ka qaban doono dhibaatooyinka kajira Gobolka oo ay ugu weyn yihiin god’oonka degmooyin ka qaar ay saareen Al-Shabaab.