Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo gaaray Magaalada Badhan

0
560

Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag waxaa Maanta gaaray oo lagu soo dhaweeyey Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo-Daareed,kaas oo dhawaan Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland ay xilkii ka qaadeen.

Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed ayaa maalmahaan ku sugnaa deegaano katirsan Gobolka Sanaag,waxaana shalay uu gaaray,isla markaana uu kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Dhahar ee Gobolkaasi Sanaag.
Odayaasha & Waxgaradka Magaalada Dhahar iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa soo dhaweeyey Wafdiga Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed oo so dhaweyn kadib Warbaahinta la hadlay ayaa uga mahad celiyey soo dhaweynta loogu sameeyey Magaalada Dhahar.

Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan oo wadatashi ah uu la qaato qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.