Diwaangelinta Musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo la soo geba-gabeynayo

0
515

Waxaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah la soo geba-gabeeyo diiwangelinta musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo doorashadiisa ay dhawaan dhici doonto.

7-dii Bishaan oo ku beegneyd Khamiistii la soo dhaafay ayaa kulan ay yeesheen Baarlamaanka Puntland waxaa ay xilkii uga qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed.

Ilaa Saddex Ruux ayaa isku soo sharaxay qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,hayeeshee waxaa is diiwaangeliyey laba musharax, iyada oo la filayo in inta kale ay Maanta is diiwangeliyaan.

Musharixiinta ku dhawaaqay inay u taagan yihiin qabashada xilka Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ay kala yihiin, Xildhibaan Cali Axmed Dhahar, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed.

Maalinta berito oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Magaalada Garoowe lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, iyada oo loolan adag loogu jiro helida xilkaas,isla markaana siweyn looga dareemayo Magaalada Garoowe.