Dil ka dhacay Muqdisho & dad loo qabtay

0
525

Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa Goordhow Suuqa degmada Wajir ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Askari katirsanaa Ciidamada Maamulka degmadaas.

Askariga la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cali Bocol,waxaana la sheegay in dilka kadib ay goobta gaareen Ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Wararka qaar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in raga dilka geystay qaar kamid ah oo gaarayay labo la qabtay,kadib markii is rasaaseyn kooban oo dhexmartay Ciidamada iyo raga dilka geystay mid kamid ah la dhaawacay sidaasina lagu qabtay.

Saraakiil katirsan Ciidanka Booliska ayaa goordhow waxaa ay gaareen halka dilka uu ka dhacay,waxaana la filayaa in sidoo kale ay gaaraan Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir.