Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in koontorool ku yaalla duleedka degmadaas uu ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro kala duwan.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyey Ciidamo katirsan Puntland iyo ciidamo kale oo la sheegay inay u baabulan yihiin hab beeleed,kuwaas oo ka yimid dhinaca Magaalada Carmo.
Dagaalka ayaa waxaa Goobjoogayaal ay sheegeen in uu salka ku heyso Xiisaddaasi muran iyo khilaaf ka taagan maamulka shirkad lagu magacaabo PDG oo taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaalka ay ku dhaawacmeen 4 Ruux oo laba dhinac ah,islmarkaana weli agagaarka Koontoroolka Bari ee Magaalada Boosaaso laga maqlayo rasaas goos goos ah.