Dad musuq maasuqayay Gargaarka Baladweyne oo Xabsiga la dhigay

0
571

Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Ammanaka ay gacanta ku dhigeen Gawaari lagu siday gaargaarkii loogu talo galay dadkii fatahaadu saameeyeen oo si sharci darro ah loo leexsaday.

Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkmadda Ciidamadda Qalabka sida ee qeybta 27 aad Dhame Maxamed Cabdulqaadir Maxmed ayaa shegay in Gawaarida siday raashinka gargaarka ah iyo dadkii waday la qabtay xilli Bakhaaro ku yaalla Beledweyne Raashinka lagu dejinayay.

Waxaa uu sheegay inay xalay Saqdii dhexe ka warheleen in Raashin loogu talo galay dadka fatahaadaha saameeyeen si sharci darro ah loogu dejinayo Bakhhaaro ku yaallao Baladweyne,isla markaana ay Xabsiga dhigeen wadaayaashii gaadiidka & Shaqaalahii dejinayay.

Arrintaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli kal hore qaar kamid ah dadkii u barakacay deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Baladweyne ay sheegeen in gurmadkii loogu talo galay la soo gaarsiin,isla markaana la musuq maasuqay.