Al-Shabaab oo bilaabay in ay bambooyin soo saaraan

0
552

Guddiga khubarada QM ee Soomaaliya oo saaray warbixintoodii sanadda 2019 ayaa sheegay in intii lagu guda jiray muddo xileedkoodii koowaad, ay isticmaalka waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay gaartay heerkii ugu sarreeyey taariikhda Soomaaliya, ayada oo korortay saddex meelood meel, marka loo barbardhigo sanadkii tagay.

Sida ay warbixinta tiri, taxliilin dhanka kiimikada ah oo la sameeyey kadib qaraxyada Al-Shabaab qaarkood, ayaa muujisay in markii ugu horreysay ay kooxda Al-Shabaab awood u yeelatay inay sameysato bambooyinka ay qaraxyada ku fuliso, ayada oo sidaas sameeneysay illaa ugu yaraan Bishii July ee 2017.

Sidoo kale, uma muquato in Al-Shabaab ay hor-istaagi karto dhaqaale la’aan, ayada oo sida lagu sheegay warbixinta, ay habka canshuuraha ee u eg kan maafiyada oo kale ee Shabaab ay ka adeegsato koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya uu kooxda soo geliyo dhaqaale badan.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inuu ogaaday in Al-Shabaab ay sii ballaarisay dakhli soo xareynteeda, kadib markii ay billowday inay canshuur ka qaaddo badeecooyinka kasoo dega dekedda Muqdisho.

Sida warbixinti tiri, ku dhex milinka Al-Shabaab ee hay’adaha dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan 2019 garay heer aad u sarreeya, kadib markii qof naftiisa huray, oo la tuhunsan yahay inay ka tirsaneyd Al-Shabaab ay isku dhex qarxisay xarunta gobolka Banaadir , kuna dishay duqii Muqdisho, allaha u naxariistee Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo sagaal mas’uul oo kale.

Gabadhaas iyo gabar kale oo ka caawisay qaraxa, ayaa ka dhex-shaqeynayey xarunta gobolka, waxaana goor dambe la ogaaday inay adeegsanayeen magacyo been abuur ah.