Madxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen) iyo Wafdiga la socda oo ku sugan degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa uu kulan la qaateen Odayaasha Dhaqanka degmadaas.
Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa Odayaasha Dhaqanka waxaa ay Madaxweyne Laftagareen u gudbiyeen baahiyaha xilligaan ka jira degmada iyo dhibaatooyinka ka dhashay Go’doonka ay saareen Al-Shabaab degmadaas.
Madxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen) ayaa Odayaasha u sheegay in ka maamul ahaan ay qorsheynayaan inay go’doonka ka qaadan degmada,hayeeshee looga baahan yahay dhankooda inay kala Shaqeeyaan.
Odayaasha & Waxgaradka degmada Waajid ee Gobolka Bakool iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa siwadajir ah waxaa ay u sheegene inay muhiim tahay in go’doonka laga qaado degmada,isla markaana Madaxweyne laftagareen uu ka dhabeeyo hadalkii shalay uu goob fagaaro ah ugu jeediyey Bulshada degmadaas oo ahaa in la isku furayo wadada u dhaxeye degmada Waajid iyo Magaalada Baydhabo.