Dilalka loo geysanaayo Soomaalida Koonfur Afrika oo korortay

0
569

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay Gudaha dalkaas  ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.

Kooxda ayaa weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Saciid Cagadhidid Xasan isaga oo ku sugnaa meel aan ka fogeen Goobtiisa Shaqada oo ku taalla tuulo  750-KM u jirta Magaalada Pretoria ee Caasimadda Koonfur Afrika.

Kooxdii Burcada aheyd ee dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana dad ku sugan Koonfur Afrika ay sheegeen in meydka  muwaadinka Soomaaliyeed mudo kadib goobta laga qaaday.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkan 2019 waxaa kusii kordhay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata,waxaana Bishaan gudahaheeda dalkaasi lagu dilay Saddex Muwaadin oo Soomaaliyeed.