Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo loo diiday inay ka dhoofaan Garoonka Muqdisho

0
495

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo diiday inay Maanta ka dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeday Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo kamid ah Xiuldhibaannada Golaha Shacbaka kana tirsan Xisbiga Midowga iyo horumarka ee UBP oo uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaa Risaala u xaqiijiyey in wafdiga madaxweyanayaashii hore inay ka dhiifaan Garoonka.

Maamulka Garoonka ayuu sheegay inay ku wargeliyeen inaysan ka dhooofi karin Garoon,hayeeshee aysan u cadeyn sababta loogu diiday inay Madaxweyanayashii hore ee Soomaaliya ka dhoofaan Garoonka.

Madasha Xisbiyada Qaran oo u guddoomiyaha ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhawaan waxaa ay fatahaada Baladweyne ugu deeqeen lacag dhan $200,000 (laba boqol kun dollar), iyada oo Maanta la filayay inay deeqdaasi gaarsiiyaan.