SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galaya Hindiya

0
482

Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka ayaa si toos ah waxaa uu uga furmay Magaaladda Lucknow ee Dalka Hindiya, iyad aoo sanadkaan ay ka qeyb-galayaan Xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waaa Shirkaasi uga qyeb-galaya oo goobjoog ka ah  Garsoore Maxkamadda Sare Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe iyo Garsoore Suleymaan Maxamed Maxamuud & safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya Ambassador Faadumo Cabdullaahi Maxamuud.

Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii ay u wada Shaqyen lahaayeen Maxkamadaha Aduunka, sidii si cadaalad ah dadka loogu garsoori lahaa iyo sidii khibrado la isku dhaafsan lahaa.

Xubnaha ka socda Garsoorka Soomaaliya ee shirkaasi ka qeyb-galaya ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Garsoorayaasha Maxkamadaha adduunka ee shirkasi goobjooga ka ah, iyaga oo kala hadli doona sidii Soomaaliya dhinaca Garsoorka looga taageeri lahaa.