Guddiyada diyaarinta Sharciga doorashooyinka & kan Madaxa banaan oo kulmay

0
455

Guddiga KMG Ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta Xarunta Villa Hargeysa kulan kula qaatay Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka oo uu Shir-Gudoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdulaahi Abukar Xaaji ayaa waxaa goobjoog ahaa inta badan Xubnaha Guddiga.

Labada Guddi ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo la xiriira doorashooyinka,waxaana Xubnaha Guddiga KMG Ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka ay guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka u gudbiyeen wixii u qabsoomay tan iyo intii la Magacaabey.