Xasan Sheekh oo ka digay Waqti kororsi ay sameyso dowladda hadda jirta

0
490

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dowladda Soomaaliya ay sameysato Muddo kororsi la doonaayo in dib looga dhiggo xilligii doorashada loogu tala galay.

Waxaa uu sheegay in qorshe kaste oo ku aadan Muddo kororsi in uu kusoo dhamaan doono Fashil iyo in laga leexiyo dalka Wadadii uu ku socday loona baahan yahay Mas’uuliyad.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in dowladda hadda jirta ay haysato Waqti ku filan oo dalka doorasho uga dhici karto. Waxa uu sidoo kale ka digay in dowladda hadda jirta ay waqti kororsi ay isku daydo.Waxa uu intaa ku daray in dowladda ay iyada masuuliyada qaadanayso haddii ay waqti korarsi sameyso wixii dalka ka dhaca.