Duqa Muqdisho oo kusii jeedda dalka Koonfur Afrika

0
492

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa kusii jeedda Magaalada Durban Ee dalka koonfur Afrika.

Guddoomiyaha ayaa lagu waddaa in uu ka qeyb galo Shir Caalami ah oo looga hadlayo hormarka iyo koritaanka ay sameynayaan Magaalooyinka Caalamka.
Shirka waxaa ka qeyb galaya oo lagu casuumay inta badan Gudoomiyeyaasha Caasimaddaha Afrika.Waa Safarkii ugu horreeyay oo Gudoomiye Cumar Filish uu kaga ambabaxo Muqdisho tan iyo markii loo magacaabay Gudoomiyaha gobolka Banaadir.